Wararka ka imaanaya dalka Uganda ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 qof ay geeriyoodeen ka dib markii Baabuur nooca shidaalka qaada ahi uu ku qarxay meel u dhow caasimadda kampala sida ay sheegeen saraakiishu.
Masiibadan ayaa ka dhacday waddo weyn oo ku taalla magaalada Kigogwa, oo qiyaastii 25 kiiloomitir u jirta, dhanka waqooyina kaga beegan magaala-madaxda Kampala.
“Dhimashada qaraxa shidaalka ilaa hadda waa 10 qof, balse waxaa nasoo gaaray dhaawacyo intaas ka badan,” ayuu yiri Charles Lwanga oo ah guddoomiyaha deegaanka booyaddu ku qaraxday.




From the comments