Weerarkii gelinkii dembe ee arbacada lagu qaaday mid kamida warshadaha sameeya qalabka hawada sare ee Turkiga (TUSAS) oo ay dowladdu maamusho ayaa lagu dilay ugu yaraan 5 qof, waxaana ku dhaawacmay 22 kale.
Weerarkan ayaa waxaa fuliyay koox hubaysan oo gudaha u galay warshada ka dibna rasaas ka billaabay, sidoo kale qarax xoogan ayaa goob ka dhacay.
Dowladda Turkiga ayaa masuuliyadda weerarkan ku eedeysay kooxda PKK ee Kurdiyiin, waxayna militariga dalkaasi duqeeyeen goobo ay ururkani uga suganyihiin dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayagoo sheegay inay uga jawaabayaan falkan lama filaanka noqday ee ka dhacay warshada.




From the comments