U bood dhigaalka

Madaxweynaha JFS oo kulan la yeeshay wasiirka Tamarta dalka Turkiga

madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay wasiirka Tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah ed dalka Turkiga oo saacado ka hor dalka Soo gaaray si uu uga qeyb-galo soo dhowaynta markabka shidaalka sahminaya.

Madaxweynaha ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay, Wasiirka Dr. Alparslan Bayraktar iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaasi oo ka qeybgalaya Munaasabadda taariikhiga ah ee soo dhawaynta Markabka Oruc Reis ee howlaha shidaal sahminta ah u yimid dalkeenna.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo mas’uuliyiinta dowladda Turkiga, waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.