Musharaxa xisbiga talada haya ee Mozambique, Daniel Chapo, ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday xilli ay mucaaradka ku andacoonayaan wax isdaba marini ay jirto.
Chapo, oo ka tirsan xisbiga Frelimo oo xukunka hayay ku dhawaad nus qarni, ayaa helay in ka badan 70 boqolkiiba codadka, guddiga qaran ee doorashooyinka (CNE) ay saacado ka hor ku dhawaaqeen.
Waxa asaguna kaalinta labaad galay musharaxa madaxa banaan ee Venancio Mondlane oo helay in ka badan 20 boqolkiiba, halka musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Renamo, Ossufo Momade uu galay kaalinta saddexaad isaga oo helay in ka badan boqolkiiba shan, sida ay sheegtay CNE.




From the comments