U bood dhigaalka

Howlgalka Badda Midowga Yurub oo Ka Digay Khatar Cusub oo Burcad-badeednimo

Sheeko:War

Hawlgalka ka dhanka ah burcad-badeedda ee Ciidanka Badda Midowga Yurub, ayaa soo saaray digniin adag oo ku saabsan soo noolaanshaha burcad-badeedda Soomaaliya, kaddib markii koox burcad-badeed ah lagu arkay toddobaadkan iyagoo ka ambabaxay goob burcad-badeed caan ku ah, kuna sii jeeday Badweynta Hindiya.

Arrintani waxay soo afjari kartaa xasillooni kooban oo ka jirtay gobolka, taasoo sabab u ahayd xilliyadii cimilo-xumada monsoon-ka. Sida lagu sheegay xogta cusub ee ATALANTA, mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa xaqiijiyey 24-kii Oktoobar 2024 in koox ka kooban 13 burcad-badeed si aad ah hubeysan oo wata AK-47 iyo RPG ay ka baxeen aagga Ceel Huur oo ku yaal koonfurta Dekedda Hobyo, iyagoo u jihaystay dhinaca Badda Soomaaliya.

Dhacdadii ugu dambeysay ee la soo weriyey waxay ahayd 23-kii Oktoobar, markaas oo markab xamuul Shiine ah oo la yiraahdo Huan Hang 99 uu soo sheegay isku day la tuhunsan yahay oo ay sameeyeen meel ku dhow 48 mayl badeed koonfurta magaalada Cadan, Gacanka Cadan.

Digniintaan cusub waxay qayb ka yihiin dib-u-soo-laabashada burcad-badeedda ee bilowday Noofambar 2023, taasoo ku soo beegantay weeraro ay kooxda Xuutiyiinta ka geysteen Badda Cas.

Dib-u-soo-noqoshadan waxa ay inta badan ka koobnayd afduubka doonyo iyo maraakiib kaluumeysi, iyo sidoo kale laba afduub oo waaweyn oo lagula kacay maraakiib ganacsi. MV Ruen oo la afduubay bartamihii Diseembar 2023 oo la haystay muddo saddex bilood ah ka hor inta aan Ciidanka Badda Hindiya soo badbaadin.

Dhacdo kale, markabka MV Abdullah ayaa la afduubay bishii Maarso, la sii daayey bil kadib, taasoo la sheegay in loo bixiyey madax-furasho aad u badan.

Sida laga soo xigtay ATALANTA, xeeladda ay burcad-badeeddu isticmaalaan waxay badanaa tahay in ay afduubtaan doon kaluumeysi (dhow), taasoo ay ka dhigtaan hooyada weerarrada. Doontan ayaa laga soo abaabuli karaa weerarro lagu qaado maraakiibta ilaa 600 mayl badeed ka baxsan xeebta bari ee Soomaaliya. Gacanka Cadan, gaar ahaan dhinaciisa bari, weli waa aag khatar sare leh.

ATALANTA waxay horay u aqoonsatay dhowr meelood oo burcad-badeeddu ku diyaarsadaan saanadooda xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan inta u dhexeysa Xaafuun iyo Garacad, iyadoo meel muhiim ah oo khatar ah ay tahay waqooyiga Eyl – halkaas oo maraakiibta Ruen iyo Abdullah lagu haystay toddobaadyo.

Qiimeynta khatarta ee ATALANTA ayaa weli ku jirta heer Dhexdhexaad ah taasoo muujinaysa in weerar uu yahay “Maalin kasta Suurtagal.”