U bood dhigaalka

Iran oo sheegtay in khasaare koobani uu ka dhashay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dalkaas

Iran ayaa sheegtay in duqeymaha ay Israa’iil la beegsatay saldhigyo milatari ay sababeen khasaare xaddidan ka dib markii Israa’iil ay sheegtay in ay soo gebangabaysay weerarkeeda, ayna ka digtay aargoosi kasta.

Ciidamada Israa’iil ayaa weeraray goobo militari oo ku yaala Iran kadib 2-dii subaxnimo ee sabtida , iyaga oo sheegay inay ka jawaabayeen waxa ay ku tilmaameen weeraro bilo ah oo Iran iyo xulafadeeda ay ka wadeen gobolka.

Si kastaba ha ahaatee lama oga baaxadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymahan ay Israa’iil  ka fulisay seddax goobood oo ay ka mid tahay magaalo madaxda Tehran, mana jiraan ilo madax-bannaan oo xaqiiqo sugan ma dunida la wadaagay.