U bood dhigaalka

Khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho oo sii kordhay

Sheeko:War

Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax miino uu ka dhacay xaafadda Cali Geedi, halkaas oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay.

Sida la soo warinayo, qaraxa ayaa lagu xiray gudaha maqaayad caan ah oo dadweynuhu ku cunteeyaan.

Dadka goobta ku sugnaa ayaa xaqiijiyay in qaraxu uu dhacay xilli dad badan ay ku jireen gudaha maqaayadda, taasoo sababtay inay dad ku waxyeelloobaan.

Inta la xaqiijiyay, afar qof ayaa ku dhimatay, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa. Dhaawacyada qaarkood ayaa la sheegay inay culus yihiin, waxaana dhaawacyada loo qaaday isbitaallada magaalada si loogu daweeyo.

Warbixinnada hordhaca ah ayaa tilmaamaya in miinada la geliyay gudaha maqaayadda, taas oo ah mid loo adeegsaday nooca qaraxyada meelaha fog laga hago (remote-controlled).

Ciidamada ammaanka ayaa goobta soo gaaray iyagoo bilaabay baaritaan lagu ogaanayo ciddii ka dambeysay weerarkan, iyagoo sidoo kale su’aalo weydiinaya dadkii ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay.