Maamulka Yahuuda ayaa sheegtay inay waaberigii hore ee maanta fulisay weerar cirka ah oo ay ku bartilmaameedsatay saldhigyo millatari oo ku yaalla gudaha Iran, iyada oo ku sababeeysay inay uga aargudaneyso duqeymihii cuslaa ee Iran ku qaaday Isra’il horraantii bishan October.
Weerarkan, oo dhacay saaka waaberigii ka hor, wuxuu calaamad u yahay sii xumeynta colaadda ka aloosan Bariga Dhexe, taas oo muddo sanad ah sababtay dhimashada tobanaan kun oo qof.
Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Iran ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarkan, hase yeeshee, warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in laba hir oo qaraxyo waaweyn laga maqlay muddo ku dhow laba saacadood gudaha caasimadda Tehran iyo nawaaxigeeda, gaar ahaan meelaha ay ku yaallaan saldhigyada millatari.




From the comments