Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid kulankoodii afaraad ee wadajirka ah oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka, waxaana kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa muhiim u ahaa dajinta miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2025.
Kulanka ayaa waxaa lagu bilaabay akhrinta saddexaad ee warbixinta xisaab-xirka sanadka maaliyadeed ee 2023, taasoo uu soo bandhigay Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo ah Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka. Intaas ka dib, xildhibaannada labada aqal ayaa cod u qaaday warbixintaas, waxaana ogolaaday 167 xildhibaan, halka saddex xildhibaan ay diideen, cid ka aamustayna ma jirin.
Ka dib, xildhibaannada labada aqal ayaa guda galay akhrinta labaad ee Xeerka Qoondada Miisaaniyadda ee sanadka 2025. Xoghayaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdiqaadir Xuseen (Uurdoox), ayaa golaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan miisaaniyadda 2025 iyo sida loo qeybiyay.




From the comments