Ugu yaraan 9 qof oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay mexico
19 qof ayaa dhintay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu shil bas ka dhacay waddo weyn oo ku taal gobolka Zacatecas ee bartamaha dalka Mexico, sida ay sheegeen maamulka deegaanku.
Shilkan ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen baskii ay la socdeen dadka dhintay iyo mid kale oo ahaa cagaf-cagaf, taas oo keentay waxyeelladan baaxadd leh ee soo gaartay rakaabka.
Guddoomiyaha gobolka Zacatecas David Monreal ayaa sheegay in dhimashada horudhaca ahi ay tahay 24 qof, laakiin xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee gobolka ayaa dib u eegis ku sameeyay tirada rasmiga ah, islamarkaana baahiyay xogta oo sugan.
Xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ay ku doonayaan in ay ku soo qabtaan darawalkii waday cagaf cagafyada.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay kooxaha gurmadka iyo ciidamada ammaanka oo ku sugan goobta shilku ka dhacay xilli ay samato-bixiyeyaashu ku howlanaayeen soo saarista meydadka.