U bood dhigaalka

Dadka ku dhintay dagaalka marinka Qasa oo 43 kun oo qof sare u dhaafay

Dadka ku dhintay duullaanka iyo duqeymaha arxan-darrada ah ee maamulka Israa’iil uu ka wado marinka Qasa ayaa 43 kun oo qof sare u dhaafay, tan iyo bishii oktoobar sanadkii 2023.

Tiradq dhimashada dadka Qasa ayaa hadda maraysa ugu yaraan 43,020 qof, halka 101,110 kalena ay ku dhaawacmeen weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil ay ku hayso Qasa, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Duullaanka Israa’iil ayaa weli socda mana muuqato rajo halkaas nabadi uga hirgeli kartaa, inkastoo dowladda Masar ay ku dhawaaqday xabbad-joojin laba maalmood ah oo keliya ujeedadeedu ay tahay maxaabiis is dhaafsi, haddana gumeystaha Israa’iil weli waa car-car oo gumaadka reer Qasa ayuu u qalab aruursanayaa.