U bood dhigaalka

Qaramada midoobi oo walaac ka muujisay sarraynta heerka dhimashada ee dagaallada Qasa iyo Lubnaan

Ciidamada Israel ayaa saacadihii la soo dhaafay ugu yaraan 53 qof ku dilay marinka Qasa, halka dalka Lubnaana ay xasuuqeen 21 qof, iyadoo madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu muujiyay naxdinta heerarka dhimashada, dhaawaca iyo burburka ee waqooyiga Qasa.

Dhanka kale Masar ayaa soo jeedisay xabbad-joojin laba maalmood ah oo looga golleeyahay in lays waydaarsado afar lahayste oo Israa’iiliyiin ah iyo maxaabiis falastiiniyiin ah, iyadoo wada-hadallo lagu soo afjarayo dagaalka sannadka  iyo dheeraadka socdaahi ay  dib uga billowdeen caasimadda Qatar ee Dooxa.


Maamulka Israa’iil ayaan wax natiijo ah ka gaaray dagaalka marinka Qasa oo ay u adaagsadeen awood kasta, islamarkaana ay ku gumaadeen ku dhowaad 45 kun oo qof.