U bood dhigaalka

Howlgal ka dhacay Mudug Xilli xubno ka mid ah Shabaab shir u socday

Ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa weerar culus ku qaaday xarun ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab (AS) oo ku taalla deegaanka Caad ee koonfurta Mudug.

Ciidamada waxay weerarka ku bilaabeen si lama filaan ah, iyagoo kooxda ka furtay rasaas culus.

Howlgalka ayaa dhacay xilli ay shir ku jireen dagaalyahano ka tirsan Ururka Shabaab.

Wali Ciidanka deegaanka wax faahfaahin ah ka bixin cida lagu dilay howlgalka iyo dadka lagu soo qabtay.

Weerarada iyo howlgallada ka socda gobolka Mudug ayaa qayb ka ah dadaalka ciidamada huwanta, oo ay ka mid yihiin kuwa dowladda iyo Daraawiishta Galmudug, ku doonayaan inay kooxda ka xoreeyaan aagagga muhiimka ah ee gobolka.

Weerarkan cusub waxa uu ku soo aadayaa xilli ciidamada huwanta ay dhowaan ka guuleysteen Al-Shabaab meelo kale oo gobolka ah, taas oo muujinaysa kor u kaca howlgallada lagaga sifeynayo gobolka Mudug Shabaab.