Waaxda gaashaandhigga mareykanka ayaa sheegtay in kuuriyada waqooyi ay Ruushka u dirtay in ka badan 10,000 oo askari si ay u biritaaraan xoogagga dagaalka kula jira ciidamada dalka Ukraine.
Xogtan uu sheegay Pentagon-ku ayaa si weyn u kordhisay tirada askarta la qiyaasay ee Waqooyiga Kuuriya ay u dirtay moosko iyo cabsida ah in dagaalka Ukraine uu sii ballaarin karo, maadaama faragelinta militari ee Pyongyang ay saameyn baaxad leh yeelan karto.
Ciidamadan oo la geeyay bariga Ruushka ayaa la sheegay inay tababar iyo taakulo militari siin doonaan xoogagga moosko iyo dagaalamayaasha la safan, waxaana afhayeen u hadlay pantagon-ku sheegay in askartani ay ka howlgali doonaan meel u dhow soohdinta Ruushka iyo Ukraine.




From the comments