U bood dhigaalka

DEG DEG: Golaha Ammaanka QM oo Ansixiyay Howlgalka Cusub ee Taageerada Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay go’aanka lagu beddelayo howlgalka taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Qaraarkan cusub wuxuu dhigaya in UNSOM lagu beddelo hawlgal kumeelgaar ah oo loogu magac daray UNTMIS (United Nations Transition Mission in Somalia).

Hannaanka kala-guurka ayaa bilaaban doona 1-da November 2024.

Dhamaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa isku raacay qaraarkan, taasoo muujineysa isku-duubnida ku saabsan taageerada Soomaaliya inta lagu jiro marxaladda kala-guurka amniga iyo siyaasadda.

UNTMIS waxaa loogu talagalay inay si dhow ula shaqeyso dawladda federaalka iyo xulafada kale ee Soomaaliya si loo xoojiyo amniga iyo dib-u-dhiska dawladnimada.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale xusay baahida loo qabo in taageero dheeraad ah la siiyo ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo qorshayaasha kala-guurka, si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga.