Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, oo ku hadlaysa magaca Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Isbaaniya (Spain) ka dib fatahaad ba’an oo sababtay geerida in ka badan 63 qof.
Soomaaliya waxay la wadaagtay murugada iyo naxdinta dhacdadan musiibada leh, iyadoo garab taagan qoysaska iyo bulshooyinka ay musiibadu taabatay.
Dowladda Federaalka waxay bogaadin u dirtay shacabka iyo hoggaanka Isbaaniya, oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Pedro Sánchez, kuwaas oo ay ku ammaantay midnimada iyo dulqaadka ay muujiyeen xilligan adag.




From the comments