U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal ugu baaqay madaxda maamul-goboleedyada ee tabashada qaba

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inay dowladda federaalka si dhaw ugala hadlayso madaxda maamul-goboleedyada tabashooyinka ka taagan, iyada oo horeyba wada-hadallo la isugu dayay in khilaafaadka lagu xalliyo.

Madaxweyne Xasan oo hadalkiisa u muuqday mid muujinaya in mas’uuliyadda xallinta arrimahan ay si buuxda u saaran tahay dowladda federaalka, ayaa xusay inay diyaar u yihiin in ay madaxdaas ugu tagaan deegaannadooda haddii ay iyagu oggolaadaan inay kulmaan.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ay madaxdaas la sugayo si loo gaaro wada-hadal miro-dhal ah si xalliya is-mari-waaga jira.

Xasan Sheekh ayaa rajo ka muujiyay in khilaafaadka hadda taagan la xallin karo, maadaama, sida uu sheegay, mas’uuliyiintan ay horey qayb uga ahaayeen go’aanno muhiim ah oo dalka lagu hoggaamiyay.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha ka soo yeeray xilli uu xalay magaalada Muqdisho kulan casho ah u sameeyay xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka, halkaas oo uu ka dalbaday kulan gaar ah oo uu hortagayo fadhiga baarlamaanka si arrimaha taagan looga wada hadlo.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo uu ka socdo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho, inkasta oo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, uu dhawaan shirka ka baxay, halka Puntland ay hore uga maqneyd sababo la xiriira khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka.