U bood dhigaalka

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ฅ๐š๐›๐จ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha, kaas oo ku saabsan hirgalinta hindisaha horumarinta Adduunka, iyo heshiis is-afgarad wada shaqayn iyo iskaashi u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

Shirka oo uu guddoominaayey Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixino ku saabsan halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 โ€“ 2029) iyo Bulshada Bariga Afrika.

Waxaa kale oo warbixin laga dhagaystay Wasaaradda Beeraha oo ka warbixisay wax-soo saarka dalka iyo xaaladda Beeraleyda Soomaaliyeed.