Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgalladii ugu dambeeyay iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee dalka ka socda, waxaana warka ay dowladdu soo saartay lagu yiri
” Ilaa iyo 15 dhagar-qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgal ciidamada gaarka ah ee Danab iyo Gorgor oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka ay ka sameeyaan deegaanka Qaycad ee Koonfuurta Gobalka Mudug.
Ciidanka Qalabka Sida iyo dadka deegaanka ayaa beegsaday fariisimo ay maleeshiyaadka Khawaarijta ah ku lahaayeen bacaadka deegaanka Qaycad, iyadoo ciidamadu ay cagta mariyeen fariisimihii cadowga.




From the comments