Ku dhawaad 100 haween ah ayaa lagu dilay dalka kenya saddexdii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo dhibaatada iyo halis dumarku ay jawahayaani ay sii kordhayso, sida laga soo xigtay laamaha nabad-gelyada dalkaas.
Agaasimaha Hay’adda Adeegga Bilayska ee Qaranka (NPS) iyo Agaasinka Dembi-baarista (DCI) ayaa sheegay in kiisaska dilka ay si joogto ah u soo badanayeen labadii sannadood ee u dambeeyey, waxanay wacad ku mareen inay wax ka qaban doonaan dhibaatada.
Xogtan ay laamaha nabad-gelyadu sheegeen ayaa ku soo beegantay iyadoo ay jiraan baaqyo ku aaddan isla xisaabtanka iyo kordhinta dacwad-ku-soo oogista dambiilayaasha.




From the comments