Dowladda masar ayaa lagu eedeeyay inay adeegsiga dekadeheeda u oggolaatay markab shixnad hub ah u wada maamulka israa’iil ee gumaadka dadka falastiin iyo Lubnaan ku howlan.
Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in dowladda Masar ay u ogolaatay inuu dekadeheeda ku soo xirto markabka MV Katherine ee laga leeyahay dalka Jarmalka, kaasoo la rumeysan yahay inuu u sido walxaha qarxa.
Markabkan oo ku sii jeeda Israa’iil, ayaa loo oggolaaday inuu ku xirto dekedda Alexandria, sida ay hay’addu sheegtay, waxayna amnesty xustay in halista shixnaddani ay qayb ka qaadan karto dembiyo dagaal.




From the comments