U bood dhigaalka

90 qof oo Falastiiniyiin ah oo lagu la’yahay dhisme ay weerartay Israa’iil

Weerar diyaaradaha Israa’iil ay ku bartilmaameedsadeen dhismo shan dabaq ah oo deegaan ah oo ku yaal Beit Laxyia, waqooyiga Qasa ayaa lagu soo waramaya in uu geystay khasaare lixaad leh.

In ka badan 90 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 25 carruur ah, ayaa lagu la’yahay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in weerarka ay ku bartilmaamedsadeen qof ilaalo ahaa oo saarnaa dusha sare ee dhismaha kaas oo isticmaalayay doorbin.

Ciidamada Israa’iil ayaa intaas ku daray inay “ka warqabaan” in dhismaha la bartilmaameedsaday uu hoy u ahaa rayid ka cararay dagaalka.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in ay jirto farqi u dhexeeya tirada dhibanayaasha ee ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Xamaas iyo inta ay iyagu ka war qabaan.