U bood dhigaalka

Dowladda Lubnaan oo shaacisay tirada dadka ku dhintay duullaanka Israa’iil

Ku dhowaad 3 kun oo ruux ayaa ku geeriyooday duullaanka maamulka Israa’iil ee dalka Lubnaan, waxaana xog ay dowladdu soo saartay ay tilmaamaysaa inay dad badani ku naf waayeen duqeymaha iyo duullaanka dhulka ah ee Israa’iil

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa shaacisay in 2,968 oo qof ay ku shahiideen duqeymaha iyo dagaalka tooska ah ee Israa’iiliyo, halka dhaawacyadana ay ku sheegtay 13,319 tan iyo bilowgii weerarka Israa’iil.

Dagaalka Ururka Xisbullaahi iyo maamulka Israa’iil ayaa haatan meel adag maraya, ayadoo Israa’iil qudheeda khasaare milari iyo rayid oo baaxad lihiba ay gaareen, islamarkaana gantaallada Xisbullaahi ay koonfurta iyo bartamaha Israa’iil joogto ugu hoobanayaan.