U bood dhigaalka

Madaxweynaha JFS oo sheegay inaysan jirin sabab loo qaban waayo doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo la hadlayay Baarlamaanka dalka ayaa sheegay inaysan jirin sabab maangal ah oo dalka ay doorasho qof iyo cod ahi uga dhici wayso.

Madaxweynaha ayaa masuuliyad darro ku tilmaamay in muddo xileedkan la suurto-gelin waayo doorasho toos ah oo lagu laabto tii dadbanayd, asagoo xusay in golaha wada-tashiga qaranku ay isku raaceen in laga shaqeeyo sidii dalka doorasho loo gaarsiin lahaa.

Qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo Hab-raacii loo mari lahaa ayaa kamid ahaa qodobadii ka soo baxay shirkii golaha wada-tashiga qaranka, balse caqabadaha ku hor gudban oo nabad-gelyadu ka mid tahay ayaan la ogeyn sidii loo xallin lahaa.