Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, kuwaas oo loo yaqaan B-52 bombers, ayaa gaaray Bariga Dhexe, iyagoo ka yimid saldhigga cirka ee Minot, gobolka North Dakota.
Arrintan ayaa timid maalin kadib markii Mareykanku ku dhawaaqay in uu geynayo qalab milateri oo dheeraad ah gobolka, digniin cadna u diray Iran iyo kooxaha ay taageerto.
Sida ay sheegeen taliska dhexe ee ciidanka milatariga Mareykanka ee Bariga Dhexe, diyaaradahaas wax duqeynaya ayaa gaaray saldhigga loogu talagalay, waxaana ujeeddada laga leeyahay tahay in la xoojiyo difaaca iyo sugnaanta danaha Mareykanka ee gobolka.




From the comments