Israa’iil oo xariirka u jartay hay’adda Qaramada midoobe u qaabilsan qaxootiga falastiin
Sheeko:Wararka Caalamka
Wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulka Israa’iil ayaa Qaramada Midoobay ku wargalisay warqad rasmi ah oo ay ku doonayso inay u jarto xariirka ay la leedahay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNRWA.
Go’aankan ayaa dhaqan geli doonaa bilaha soo socda, waxana uu imanayaa xilli Israa’iil ay sanadkii labaad gumaad ku hayso dadka reer falastiin ee marinka Qasa, islamarkaana ay jartay halkii irid oo gargaarku u soo mari lahaa.
Israa’iil ayaa taniyo markii uu billowday dagaalka Qasa si joogto ah u dhaleecaynaysay hadallada iyo go’aamada qaramada midoobe ee ku saabsan xaaladda Qasa, waxayna horay soo gelidda deegaannada ay maamusho uga mamnuucday xoghayaha guud ee Qaramada midoobe António Guterres.