U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiir ku xigeen iyo wasiir dowle

Sheeko:War

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Cabdirashiid Maxamed Ducaale inuu noqdo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, kadib markii shalay uu iscasilay Wasiir Ku-xigeenka hore, Mudane Axmed Daqare.

Shaqo ka tagista Daqare ayaa ka dhalatay arrimo la xiriira khilaafka maamulka Jubbaland iyo Dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Magacaabista Cabdirashiid Maxamed Ducaale ay keeni doonto isbeddel iyo horumarro cusub oo ku aaddan waxbarashada dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Axmednur Shiikh Maxamed Loxos, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha xilkaasi waxaa shalay iska casilay Xildhibaan Cabdirashiid oo Jubbaland kasoo jeedda.