Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiska ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Midowga Yurub u qaabilsan Qaaradda Afrika, Mr. Mathieu Briens, waxayna ka wada hadleen arrimo la xiriira xoojinta iskaashiga iyo cilaaqaadka u dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray taageerada Midowga Yurub ee dhinacyada muhiimka ah oo ay kamid yihiin dib u qaabeynta amniga Soomaaliya kadib bixitaanka howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) iyo sidii ay iskaashi u wada samaysan lahayeen dalalka Soomaaliya ka taageera dhanka tababarrada iyo qalabeynta ciidanka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga warbixiyey xaallada dalka ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo horumarka laga sameeyay gaar ahaan dhanka amniga iyo dagaalka lagula jiro Shabaab.




From the comments