14 qof ayaa ku dhintay, halka 34 kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii biriqi ay ku dhacday kaniisad ku taal degmada Lamwo ee waqooyiga dalka Uganda, sida ay booliisku sheegeen.
Afhayeenka booliiska Uganda Kituuma Rusoke ayaa sheegay in shilkani uu dhacay xilli dad badani ay ku cibaadaysanayeen gudaha kaniisaddan oo ku taalla xerada qaxootiga ee Palabek.
Xogaha ayaa tilmaamay in roob lixaad lihi uu billowday, xilli dadka keniisadda ku sugnaa ay cibaado wadareed u taagnaayeen, taas oo keentay waxyeellada baaxadda leh ee danabku sababay.




From the comments