Dadka ku dhintay weerarada Israa’iil ee Lubnaan oo 3 kun kor u dhaafay
Sheeko:Wararka Caalamka
Dadka ku geeriyooday weerarada maamulka Israa’iil uu ku hayo dalka Lubnaan ayaa 3,000 oo qof sare u dhaafay, halka dhaawacyaduna ay 13,492 marayaan sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka dalkaasi.
Dadkan ayaa ku dhintay duqeymaha iyo duullaanka tooska ah ee ay Israa’iil dalka Lubnaan ka geystay 13-kii bilood ee socday dagaalk marinka Qasa, kaas oo ay barbar socdeen duqeymo iyo gantaallo ay is dhaafsanayeen Israa’iil iyo Xisbullaahi.
Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay dadka geeriyooday ay ku jiraan 589 oo haween ah iyo ugu yaraan 185 carruur ah, taas oo muujinaysa in dadka rayidka ahi ay dhibaato baaxad leh kala kulmeen weerarada aan loo meel dayin ee ciidanka Israa’iil.