U bood dhigaalka

Dowladda Mareykanka oo Maanta si rasmi ah Buugeeda uga Tirtirtay deyntii ay ku laheyd Soomaaliya

Munaasibad kooban oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah loogu saxiixay heshiis Dowladda Soomaaliya looga cafiyay in ka badan Hal Bilyan oo Dollar,sheshiiskaas oo ay saxiixeen Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Mr. Richard H. Riley iyo Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige.

Heshiiska la saxiixay ayaa dhigaya in Dowladda Mareykanka ay Buugeeda deymaha ka tirtirtay lacag dhan $1.140 Bilyan Doolar lagu lahaa Dowaldda Soomaaliya 30-kii Sano ee la soo dhaafay, heshiis kaan ayaa yimid kadib markii Dowladda Soomaaliya ay ku guulaysatay hagaajinta nidaamka Maaliyadda dalka oo horseeday in dhammaan deymihii Adduunku kulahaa lagu dhawaaqay cafintooda dabayaaqadii sanadkii 2023-ka.

Saxiixa heshiiska kadib, waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Wasiirka Maaliyadda iyo Safiirka Dowaldda Mareykanka ee Soomaaliya, Wasiir Biixi Imaan Cige oo ku hormaray hadal jeedinta ayaa mahadcelin kadib, waxa uu sheegay ‘in manta ay tahay maalin taariikhi ah oo muujinaysa miro-dhalka halgankii Dowladda ee dib-u-habeynta Maaliyadda,sidoo kalena rajo ka sukoow waxa uu tilmaamay in talaabadani ay biloow u tahay fursad cusub oo uu helayo mustaqbalka dhaqalaha Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Richard H. Riley ayaa ammaanay doorka muuqda ee Wadiirka Maaliyadda iyo kooxda la shaqeysa ay ku lahaayeen dhameystirka geeddigaan ay Dowaldda Mareykanka uga cafisay Dowladda Soomaaliya dhammaan daymihii ay ku laheyd.