U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Mareykanka

Malaayiin qof oo Mareykan ah ayaa maanta oo Talaado ah u dareeray goobaha codbixinta si ay u soo doortaan madaxweynaha xukumi doona dalka afar sano ee soo socda.

Doorashadan taariikhiga ah, waxaa si adag ugu loolamaya Donald Trump, madaxweynihii hore ee Mareykanka oo matalaya xisbiga Jamhuuriga, iyo Kamala Harris, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo ka socota xisbiga Dimuqraadiga.

Labada musharax ayaa shalay oo Isniin ahayd, maalintii ugu dambaysay ee ololaha doorashada, xoogga saaray gobolka muhiimka ah ee Pennsylvania.

Waxaa la saadaalinayaa in cidda ku guuleysata gobolkan ay hogaamin karto natiijada doorashada.

Trump ayaa ololihiisa ku bilaabay magaalada Reading oo ku taalla koonfurta Pennsylvania, halka Harris ay joogtay magaalada Allentown oo u dhow Reading.

Trump ayaa dadkii gobolka ku dhiirrigeliyay inay codkooda siiyaan, isagoo sheegay in guushiisu ay ku xirnaan karto taageeradooda.

Sidoo kale, Harris ayaa ku boorrisay dadka Pennsylvania inay codeeyaan, iyada oo sheegtay in codkooda uu saameyn weyn ku yeelan doono jihada doorashadan.

Gobolkan Pennsylvania ayaa leh 19 cod oo ka mid ah ergooyinka doorashada Mareykanka. Musharaxa hela 270 cod oo ergooyinka gobollada ah ayaa noqon doona madaxweynaha soo socda ee Mareykanka.

Trump ayaa ololihiisa ku soo xiray xalay magaalada Grand Rapids ee gobolka Michigan, halka Harris ay ku dhamaysay ololaheeda caasimadda Pennsylvania, Philadelphia.

Durba dad kor u dhaafaya 81 Milyan oo qof ayaa codkooda dhiibtay.