Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal tahniyad ah u diray Donald Trump kadib markii uu noqday madaxweynaha Mareykanka ee 47aad kadib doorashadii ka dhacday Mareykanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay doorashada Trump, isagoo ku tilmaamay inay tahay guul taariikhi ah.
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in xiriirka xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka uu sii xoogeysan doono, iyadoo labada dal ay ka wada shaqeyn doonaan dhinacyada nabadda, amniga, iyo horumarinta barwaaqada guud ee danaha ay wadaagaan.




From the comments