U bood dhigaalka

Sidee dunidu uga falcelisay dib u doorashada Donald Trump?

Madaxweynihii hore dalka mareykanka Donald Trump ayaa si yaab leh ugu guuleystay doorashada madaxtinimada Mareykanka, asagoo ka adkaaday haweenaydii la tartamaysay ee kamala Haris.

78 jir ka tirsan xisbiga jamhuuriga ayaa waxaa guushiisa ka dib ballan-qaaday inuu maraykanka ka dhigi doono mid aan horay loo arag oo dhinac walba caalamka hormuud ugu ah, islamarkaana aanu dagaal oogi doonine uu damin doono colaadaha dunida ka holcaya.

Dhanka kale inta badan hoggaamiyaasha dunida, ayagoo ugu hambalyeeyay dib u doorashadiisa, islamarkaana u muujiyay niyad wanaag iyo wada-shaqayn.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan shiikh Maxamuud ayaa kamid ah madaxda u hambalyeeyay Trump, wuxuuna sheegay inuu ku raja weynyahay in iskaashiga labada dal uu sii xoogaysan doono.

Trump oo looga bartay macangagnimo siyaasadeed ayaa horay u sheegay inuu ku shaqayn doono halku-dhegga ah” Mareykanka ayaa muhiimadda koobaad leh”, waxaana laga cabsi qabaa inuu billaabo guluf masaafirin ah oo uu dalkaas uga saarayo soo galootiga sida joogtada ah ugu sii qulqulaya.