Saddam Maxamed Cabdi, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay iscasilaaddiisa xalay.
Qoraal uu soo saaray, wuxuu ku tilmaamay dhowr sababood oo uu ugu go’aansaday inuu xilka isaga tago, isagoo ku eedeeyay xukuumadda dhexe arrimo ay ka mid yihiin:
Wuxuu sheegay in xukuumadda uu ka arkay hab-dhaqan aan danta guud ku salaysnayn, oo ka fog ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, balse Wasiir ku xigeenka ayaa loo badinaya sababa uu isku casilay in ay yihiin kasoo helitaanka kursiga Xildhibaano mar kale Madaxweyne Deni.




From the comments