Xogihii ugu dambeeyay ee baaritaanka eedaysane Haashim Dhaqane Muxamed iyo kiis kale oo lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa
Dembi-baarayaasha dalka Kenya ee ku howlan ka sal-gaaridda galdacwadeedka Haashim Dhaqane Muxumed oo loo haysto dilka 3 gabdhood oo isku qoys ahaa ayaa soo bandhigey caddaymo hor leh oo muujinaya dilka gabar kale oo lala xariirinayo inuu ninkaasi ku lug lahaa.
Baareyaasha ayaa sheegay inay heleen haraaga jir bini’aadam oo si xun loo jar jaray, islamarkaana la dhigey xabaalaha loo yaqaanno lang’ta ee magaalada Nairobi, ayagoo soo bandhigey muuqaalka gabar sii galaysa dhismaha uu deganaa Haashim, iyo asagoo gacmaha boorsooyin mad madow ku wata oo isla dhismahaas ka soo baxaya.
Gabadha cusub ee la sheegay in loo malaynayo inuu diley eedeysane Haashim oo lagu magacaabo Deeqo Cabdinuur Qorane ayaa la waayay 24-kii bishii oktoobar, waxayna markii ugu dembaysay sii galaysay dhismaha uu deganaa Haashim.
Baareyaasha dalka Kenya ayaa sheegay inay ku raad joogaan milkiilihii dhismahaas oo la sheegay inuu dhacdadaas ka dib nadiifiyay dabaqa oo dhan, islamarkaana rijinka ka badalay.
Galdacwadeedka Haashim Dhaqane Muxamed ayaa hor yaalla maxkamadda ugu weyn dalkaasi Kenya, waxaana ku socda baaritaan xooggan oo ku saabsan faldambiyeedyada loo haysto.