Rabshado ka dhashay doorashadii horraantii bishii oktoobar ka dhacday Moazambique oo murashaxa xisbiga talada haya ee frelimo la sheegay inuu ku soo baxay ayaa weli dalkaas ka socda, kuwaas oo sababay waxyeello baaxad leh.
ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen 66 kalena ay ku dhaawacmeen isku dhacyo dhex maray booliska iyo dibadbaxayaasha diidan natiijada doorashada, sida laga soo xigtay Isbitaallada ugu waweyn dalkaas.
Dhimashada ayaa sii kordhinaysa, ugu yaraan 18 qof ayaana lagu dilay mudaaharaadyada tan iyo 9-kii Oktoobar, waxaana laga cabsi qabaa in waxyeelladu ay intaas ka sii badato, maadaama ay rabshaduhu weli socdaan.




From the comments