Ciidanka CXD oo ka hortagay weerar ay Alshabaab doonayeen inay ku qaadaan magaalada Masagawaa
Sheeko:La-dagaallanka Al-Shabaab
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa ka hortagay weerar ay kooxda Alshabaab isku dayeen inay kusoo qaadaan magaalada Masagawaa ee Briga gobolka Galguduud, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo la sheegay inay ka war hayeen weerarka ayaa ka hortagay, iyadoo ku guulaystay inay fashiliyaan sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka
Dhamme Maxamed Ereg oo kamid ah saraakiisha Guutaadda 77-aad ee Ciidanka XDS ee ku sugan magaalada Masagawaa ayaa Warbaahinta u sheegay in Alshabaab ay gaarsiiyeen khasaare xooggan, haddana ay socoto tirinta meydadka kooxdu.