Milateriga Mareykanka ayaa qaaday weeraro ka dhan ah bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Suuriya, tillaabadaas oo taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) uu ku sheegay inay jawaab u ahayd weerarro ugu ciidamada Mareykanka ay ku soo qaadeen kooxo xulafo la ah Iran oo dalkaas ka howlgala.
Taliyaha CENTCOM General Michael Erik Kurilla ayaa bayaan uu soo saaray subaxnimadii Talaadada ku sheegay in tilaabada militari ee Mareykanka ay fariin cad u dirayso kooxaha hubeysan ee Iran ay taageerto ee ka howlgala gobolka.
“Weerarada ka dhanka ah Mareykanka iyo xulafada isbaheysiga ee gobolka looma dulqaadan doono,” ayuu yiri general Kurilla, isagoo ku tilmaamay weerarrada lagu qaaday askarta Mareykanka ee Suuriya 24-kii saac ee la soo dhaafay inay ahaayeen kuwo taxadar la’aan ah.




From the comments