U bood dhigaalka

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la yeeshay wafdi ka socda Kenya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoygiisa ku qaabilay, islamarkaana kulan muhiim ah la yeeshay wafdi ka socda dowladda Kenya.

Xubnaha wafdiga ayaa Raโ€™iisul Wasaaraha soo gaarsiiyay dhambaal iyo salaan ay ka wadeen Madaxweynaha Kenya, William Ruto, waxayna ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee dariska ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo ganacsiga.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wafdigan ka socday dowladda Kenya, doorka dowladda Kenya ee ku aaddan taageerada dowlad dhiska Soomaaliya, iyo xasilloonida gobolka.