Garsoorayaasha iyo howlwadeennada Maxkamadda Sare ee Brazil ayaa si deg deg ah looga daad-gureeyay dhismaha maxkamadda ka dib marki ay laba qarax oo waaweyn ka dhaceen meel u dhaw maxkamadda, sida ay sheegeen booliska dalkaasi.
Mid ka mid ah qaraxyada ayaa ka dhacay barxadda weyn ee u dhaxeysa aqalka Koongareeska iyo dhismaha Madaxtooyada ee magaalada caasimadda ah ee Brasilia, Booliska ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay qarraxaas.
Qaraxyadan ayaa imanaya ayadoo shan maalmood ka dib uu magaalada Rio de Janeiro ka furmi doono shirweynaha dalalka dhaqaalaha ku horumaray ee loo soo gaabiyo G20.




From the comments