In ka badan 4000 oo macdan qodayaal ah ayaa laga cabsi qabaa inay ku xayiran yihiin god laga soo saaro dahabka oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika, waxaana socda dadaallo dadkaas lagu samata-bixinayo.
Daraasiin mutadawiciin ah oo maxalli ah ayaa u kacay si ay gacan uga geystaan samatabbixinta kumannaankan macdan qodayaasha ah oo laga cabsi qabo in ay ku xayiran yihiin dhulka hoostiisa, gaar ahaan godka dahabka laga qodo oo ku yaalla magaalada Stilfontein ee Koonfur Afrika.
Ololeyaasha maxalliga ah ayaa sheegay in ilaa 4,000 oo macdan qodayaal ah ay galeen godka dahabka laga qodo ee ku yaalla magaaladaas oo ku taal gobolka Waqooyi Galbeed, waxaana laga cabsi qabaa in qaarkood ay hadda aad u liitaan oo ay xaaladda adag ku jiraan.




From the comments