Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BJFS) ayaa maanta ansaxiyey xeer muhiim ah oo la xiriira Ururada iyo Xisbiyada Siyaasadda.
Xeerkan, oo muhiim u ah horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda dalka, waxaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday 177 xildhibaan halka tiro yar oo kooban ay diideen qaarna ay ka aamuseen.
Xeerkan cusub wuxuu tilmaamaya shuruucda iyo xeerarka lagu hagi doono ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee dalka.




From the comments