U bood dhigaalka

Maxkamad ku taalla Dhuusamareeb oo maanta Fulisay xukun dil ah

Sheeko:War

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Sakariye Asad Faarax.

Ninkaan dhalinyarada ah ayaa horey degmada Guriceel ugu dilay Cabdullahi Khaliif Faarax (AUN).

Goobta fulinta xukunka, oo ay joogeen dadweyne badan, waxaa sidoo kale ka qaybgalay guddoomiyaha maxkamadda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Dilkan ayaa ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta Maxkamadda xukunkaan ayaa waafaqsan sharciga qisaasta, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo cadaaladda iyo sharciga deegaanka Galmudug.

Ehelada marxuumka ayaa ka mahadceliyay talaabada maxkamadda iyo fulinta xukunka​​​​​​.