Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay israsaaseyn ka dhacday Kismaayo
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar saaka lagu qaaday Hotelka Agan oo ku yaalla magaalada Kismaayo, kaas oo ay fuliyeen ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland.
Weerarkan ayaa sababay khasaare nafeed iyo dhaawacyo, wuxuuna xiisad ka dhex abuuray dadka deegaanka.
Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku tilmaamay falkaasi mid khatar ah oo looga gol leeyahay in lagu huriyo dagaal sokeeye oo dhex mara shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.
Wasiirka ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadda iyo in la iska kaashado nabad ku soo dabbaalida Kismaayo.
Wararka laga helayo israsaaseynta ayaa sheegaya in weerarka uu ku dhintay darawalkii Senator Ilyaas Gaboobe, oo dhawaan ku dhawaaqay inuu yahay musharax u tartamaya xilka Madaxweynaha Jubbaland.
Dhacdadan ayaa loo arkaa mid sii xumeyneysa xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.
Dowladda Federaalka ayaa ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan wax walba oo sababi kara gacan ka hadal dheeraad ah, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay wada-hadalka iyo xasilinta xaaladda.
Waxaa la filayaa in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo sababaha ka dambeeyay weerarka iyo cidda sida rasmiga ah uga dambeysa dhacdadan argagaxa leh.