Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Kulankan oo ah mid salaam iyo is xogwaraysi ah ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin sare, oo ay ku jiraan shir-guddoonka labada gole ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) iyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Madaxweynuhu waxa uu Madaxweynaha cusub la wadaagay talooyin iyo xog ku saabsan xilwareejinta maamulka iyo sidii loo xoojin lahaa isbeddelka hufan ee hogaaminta Somaliland.




From the comments