Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay kulan loogu ducaynayay madaxweynihii hore ee Soomaaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kala qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha Dowladda, Siyaasiyiin iyo dadweyne Soomaaliyeed, kulan loogu duceynayay Madaxweynihii hore ee Maamulka Soomaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa tilmaamay in tiiraanyada geerida Marxuumku ay mideysay quluubta Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo markale tacsi la wadaagay Qoyska Marxuumka, bulshada ree Somaliland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ahaa siyaasi rugcaddaa ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii kacaanka, sidoo kalena ahaa madaxweynihii 4-aad ee Soomaaliland, asagoo xilka hayay intii u dhexaysay sanadihii 2010 ilaa 2017.