NATO iyo dalka Ukraine ayaa la filayaa in Talaadada soo socota ay kulan deg deg ah ka yeeshaan, kaddib marki uu Ruushka uu Khamiitii gantaallo culus ku tijaabiyay magaalo k Dnipro ee bartamaha Ukraine.
Khudbad laga sii daayay telefishannada Ruushka ayuu madaxweyne Vladimir Putin uga digay reer Galbeedka, in gantaallada riddada dhexe ee Oreshnik ay ahaayeen mid ay Moscow uga aargudaneysay xukuumadda Kyiv oo Ruushka ku ridday gantaallada riddada dheer ee ay sameeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska.
Kaddib 33 bilood oo uu dagaalka Ruushka iyo Ukraine socdo, ayuu dagaalka hadda galay wajigii kala baxa sida uu Jimcihii sheegay Ra’iisul wasaaraha Poland Donald Tusk.




From the comments