Taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay falkii foosha xumaa ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo halkaas oo uu ku dhintay sarkaal ka tirsanaa ciidanka boliiska.
Taliska waxa uu sheegay in uu waddo baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan sida ay u dhacday shaqaqadaas sarkaalkaas ku nafwaayay.
Warka kasoo baxay taliska Ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in sharciga lala tiigsan doonaa cid kasta oo ku lug yeelata waxaana laga qaadi doonaa talaabo adag.




From the comments