Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulan degdeg ah isugu yimid, iyagoo ka falcelinayay doorashadii maanta lagu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Jubbaland.
Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in doorashadaasi ay tahay mid sharci-darro ah, waxna kama jiraan ku tilmaamay natiijada ka soo baxday.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu jebiyay shuruucda dalka, iyagoo garyaqaanka guud ee dowladda ku amray in uu diyaariyo dacwad rasmi ah oo ka dhan ah Axmed Madoobe.




From the comments